tarsan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa lacag dul dhigay Shabaabka ku dhuumanaya Magaalada Muqdisho gudaheeda ee dilalka qorsheysan ka geysta caasimada.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in cidii soo sheegta Shabaab meelaha ay ka joogaan Magaalada Muqdisho lasiin doono abaal marin uu qofkaasi ku farxo, isaga oo abaalmarinta ku sheegay lacag cadadkeeda uusan tilmaamin.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadoowga umadda Soomaaliyeed sidaasi awgeedna shacabka laga rabo inay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Guddoomiye Tarsan ayaa dhanka kale sheegay in qofkii soo sheega meelaha Shabaab ay hubka ku qarsadaan lasiin doono lacago abaalmarin ah marka la qiimo hubka lacagta kalabar uu qofkaasi qaadan doono.
Inkastoo Shabaab ay Muqdisho ku sugan yihiin Degmooyin kamid ah oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka geystaan, hadana waxaa adag ku dhiiraanshaha in qof uu sheego Shabaab Muqdisho jooga.
Raga Shabaabka ah ee Dowladda ay gacanta ku dhigto ayaa maalmo kadib lagu arkaa iyaga oo Muqdisho ku dhexsugan ama qabiil halagu siidaaye ama lacag.
Idale News OnLine