Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo maanta shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa ka hadlay isku daygii dilka ahaa eel ala damacsanaa in lagu qaarjiyo laakiin uu ka badbaaday.
Jen. Indho-Qarshe ayaa sheegay in shalay Qarax Kolonyo uu watay lagula eegtay Warshadii caanaha ee degmada Hodan balse uu ka baxsaday,iagoona weerarkaasi ku tilmaamay mid aan hadafkii laga lahaa laga gaarin.
“Arrintaas waa run, waa ka bad baaday, wax i gaaray ma lahan askarteeda iyo ciidanka ila socday waxba ma gaarin alle mahadiis weeye, ayaga ku qasaari doono, waxaa la yiri nin gardan ma guuleysto wey naga gardaran yihiin, anaga iyo ayaga waxaa kala joognaa labo gees oo aad u kala fog”ayuu yiri Jen. Indho-Qarshe.
Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa Al-shabaab ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin helitaanka hanaan siyaasadeed oo dalka lagu hago,isagoona balan qaaday inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan.
“Al-shabaab iyo Saraakiishoodaa waxay wadaan wax aad iyo aad u fool xun weeye, taariikh mugdi ah oo anay horay u soo marin ayay dadka soomaaliyeed ku abuureen ayaga waa laga dulqaadi doonaa, dadkana waxaa ka codsanayaa in ciidanka ay la shaqeeyaan”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada xooga dalka.
Indho Qarso ayaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku dhiira geliyay inay yihiin difaaca dalka lagana doonayo inay sii xoojiyaan dagaalka lagula jiro xooga Al-shabaab.
Idale News Online, Muqdisho.