Taliyaha ciidanka XGS Indha Qarshe oo Qarax lagu Qaarajin rabay ka badbaaday.

0
222

Taliyaha Ciidamada XDS Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilimi “indha Qarshe” ayaa ka badbaady Isku day Dil oo la Doonayey in lagu Qaarajiyo.

Gen.-Indhoqarsho

Kolonyo Gaadiid ah oo uu watay Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gne. Indha qashe ayaa waxaa qarax loo dhigaya Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,gaar ahaa Warshadii hore ee Caanaha.

Goobjoogeyaal ayaa Idale News Online u sheegay in ay Arkeen Gaari Cabdi Bille ah oo Bur buray islamarkaana Qaraxa uu haleelay.

Khasaaraha Qaraxa Saaka ayaan la ogeen inta uu la egyahay,ayadoona Wararku ay sheegayaan in ay jiraan Ciidamo ku geeriyooday Qarax.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa warbaahinta u Xaqiijiyey in Taliyaha Ciidamada Milatariga uu Qaraxa ka badbaaday.

Idale News Online, Muqdisho.