Iyadoo horay magaalada Muqdisho uu u joogay M/weynaha Maamulka Lixda Gobalka ee Koofur Galbeed Somalia ayaa waxa Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa isagana waxaa magaalada yimid Madaxweynaha Maamulka sedaxda Gobalka E e KG soomaaliya
Madaxweynaha Maamulka sedaxda Gobalka Ee KG soomaaliya Md Max’ed Xaaji Cabdi Nuur ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayna ka wada hadleen arimaha maamulka sedaxda gobal.
Sidoo kale Max’ed Xaaji Cabdi Nuur ayaa waxa uu sheegay in casuumaada uu ku yimid Muqdisho uu ka helay R/wasaaraha Dowladda Federaalka SomaliaC/wali Sheekh Axmed waxa uuna cadeeyay in uu la kulmay.
Dhanka kale Max’ed Xaaji Cabdi Nuur ayaa waxa uu sheegay in R/wasaaraha uu ugu yeeray in ay ka wadahadlaan arimaha Gobolada Koofur Galbeed Somalia oo Khilaaf ka taagan yahay.
Idale News Online, Muqdisho.