Rome(INO)- Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhimatay duqeyn lala beegsaday Iskuulo ku yaal magaalada Haas ee gobalka Idlib ee waqooyiga dalka Siiriya.
Duqeyntan ayaa la sheegayaa inay geysteen diyaaradaha Ruushka ama kuwa Dowlada Bashaar Al Assad.
Deegaanka Haas ayaa kamid ah dhulka ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaridka ah ee la dagaalamaya Xukuumada Siiriya.
Goobaha duqeyntan culus ay ka dhacday ayaa waxaa ku yaalay sadex iskuul oo uu ku jiro dugsi hoose oo ay caruur badan u fadhiyeen fasalkooda xiliga goobtaasi la duqeeyey, waxaana lagu sheegay duqeyntan tii ugu xumeyd oo lagu qaado goob waxbarasho tan iyo intuu bilowday dagaalka sokeeye ee wadanka Siiriya.
Qaar kamid ah Beesha caalamka ayaa falkan ku tilmaamay danbi dagaal iyagoona ku eedeeyey Dowlada Ruushka iyo Xukuumada Siiriya, balse dhinacyadaasi la eedeeyey ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan duqeynta. Telefishinka Dowlada Siiriya ayaa xaqiijiyey in duqeynta ay ka dhacday magaalada Haas, balse ku sheegay dadka halkaasi lagu dilay dagaalyahano