Baydhabo(INO)- Shir looga hadlaayey ha hortaga Musuq Maasuqa Xilliga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Maanta lagu qabtey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabisay Hay’ada Marqaati oo ka mid ah Hay’ada Ka Shaqeeya Somalia, isla markaana waxa ka qiib galey tiro musharaxiin ah kuwaasoo doonaya Aqalka Hoose ee Soomaaliya Ee Doorashada 2016.