Qanadraas lagu qalabaynayo Xafiiska Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya
(Qalabayn afar xafiis oo madaxtooyada ah)
Qanadraas helid No.001/WASAARDA MADAXTOOYADA/X/M/2014
Wasaaradda Madaxtooyada DGKG Soomaaliya iyadoo kaashanaysa maalgelin ay ka helayso Jaaliyadaha Dibada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay u xayaysiinaysaa Qanadraas lagu qalabaynaayo Xafiiska Madaxtooyada Shirkadaha Ganacsiga gaar ahaan kuwa shaqadoodu tahay qalabka xafiisyada noocyadiisa kala duwan.
1. Shirkadahaas waxay diyaarinayaan daraasad ku saabsan qalabaynta xafiiska Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaas oo loo baaahanyahay in la qalabeeyo afar (4) xafiis oo dhamaystiran iyo laba xafiis Xoghayn.
1. Shuruudaha Shirkadaha laga doonayo.
1. Shirkaddu waa inay ka sharciyaysantahay.
2. Shirkaddu waa inay leedahay maaliyad awoodeed (Financial Position)
3. Shirkaddu waa inay leedahay khibarad farsamo oo kala ah:
1. Aqoonta qalabaynta xafiisyada Dowladdadeed ama Hay’adaha.
ii. Shirkaddu waa inay leedahay shaqaale xirfadaysan oo kala ah:
1. Injineer ku takhasusay rakibidda qalabka xafiisyada (furniture installation)
2. Injineer ku takhasusay rakibidda qalabka electronic, sida Computerada, Telefonda line-ka ee dhamaan xafiisyada.
3. Injineer ku takhasusay rakibidda korontada xafiisyada (electrical wiring).
4. Shirkadaha waa inay keeneen Buuga/ company profile xafiiska KMG ah ee Wasaarada Madaxtooyada ugu danbayn 12:00 duhurnimo ee 03/05/2014.
5. Waxaa lafurayaa buugaagtooda/ Company profile ay soo gudbiyeen shirkadaha maalinta xigta oo ah 04/05/2014.
Ugu yaraan sedax shirkadood ayaa waxay noqon doonaan tartamaayaasha ugu dambeeya.
Wasaaradda Madaxtooyada
Ministry for presidency
Baidoa Somalia
Phone: +252615501812/0695501812
E-mail: ministryforpresidency@gmail.com or ministryforpresidency@aol.co.uk
Idale News Online, Baydhaba Janaay.