Somalia Oo Labo Markab U Dirtay Yemen Si Muwadiniinteeda U soo Daadgureeyaan

0
187

Muqdisho (INO) — Gudoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa shaaciyay inuu Labo Markab u diray dalka Yemen, si ay usoo daad-gureeyaan Qaxootiga ku xayiran Dagaalka ka socda dalkaasi.

Teaser Image Somalia oo Labo Markab u dirtay Yemen si Muwadiniinteeda usoo daadgureeyaan

Agaasimaha Baarlamaanka Maxamed Ciyow, ayaa u sheegay Warbaahinta in Baarlamaanka uu Labada Markab u diray Magaalada Cadan, ee Koonfurta dalka Yemen, waxaana la filayaa in Todobaad gudahiisana Qaxootiga lasoo daabulayo.

Gudoomiye Jawaari ayaa sii deynsaday lacagtii lagu ballamay in laga jaro Xildhibaanada Baarlamaanka, islamarkaana Maraakiibtaasi lagu kireeyay, maadaama aan waqti badan la sugi karin inay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kusii jiraan Dagaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay filayso in Bil kasta ay dalka soo gaari doonaan 10,000 oo Qaxooti ah, oo kasoo laabanaya Yemen, waxaana Maalintaa Shalay soo gaaray Boosaaso 1,200 oo Soomaali & Yemen isagu jira.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay inay iska soo aruurinayaan Lacag gaaraysa 300,000 USD, si ay ugu soo celiyaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen.

Idale News  Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here