Dhageyso: Jawaahir Baarqab “Wasaarada Amniga Ma’ahan Inay Dadka Qal-Qalgeliso”

0
260

Muqdisho(INO)-Iyadoo maalintii Sabtida ee todobaadkaan Wasaarada Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay digniin ku saabsan weeraro Shabaab ay ka geysan rabaan Magaalada Muqdisho, ayaa arintaasi waxaa dhaliilay Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Jawaahir Baarqab oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegtay in Wasaarada Amniga Gudaha ee Dowladda aan laga rabin inay qal-qalgeliso shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay Jawaahir hadalkii Wasaarada kasoo baxay ee ahaa in Shabaab ay weeraro ka geysan rabaan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha Bulshada ay isugu timaado sida, Masaajidada, goobaha waxbarashada, Isbitaalada iyo Suuqyada Magaalada Muqdisho hadalkaasi inuu dhaliyay cabsi iyo walaac shacabka soo food saartay.

“Meesha qaraxa uu ka imaanaayo Xero Dowladeed ma’ahan waa shacabka dhexdiisa, waxaa ka wanaagsaneyd cadoowga in la tilmaamo, dadkaan guryahooda ayaa laga maleegaa qaraxa shacabka ayaa laga rabaa inay sheegaan cida qaraxa sameynaysa, Wasaarada Amniga inay dadka qal-qalgeliso ma’ahan cadoowga wuu fashilmay ayaan leenahay kamana cabsanayno.” Ayeey tiri Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Jawaahir Baarqab ayaa ku waramaysaa in dadka reer Muqdisho ay kala shakisan yihiin oo labadii ruux ee meel wada taagan loo maleynaayo inay dhibaato maleegayaan, taasina ay keentay hadalkii Wasaarada Amniga Gudaha kasoo yeeray oo shacabka cabsi ay ka qaadeen.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf ayaa Sabtidii sheegay in Shabaab ay qorsheynayaan fulinta weeraro lagu dhibaateynaayo shacabka Soomaaliyeed, isaga ku sheegay goobaha ay Shabaab damacsan yihiin inay qaraxyada ka fuliyaan inay tahay, Masaajidada, goobaha waxbarashada, Isbitaalada iyo Suuqyada Bulshada isugu timaado.

Al Shabaab ayaa horay u fuliyay weeraro ay ku qaadeen, Xarumaha Dowladda qaar, Hoteelada Muqdisho iyo dilal qorsheysan oo Muqdisho ay ka geysteen.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here