Muqdisho(INO)-Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somalia uu kulan xasaasi ah ku dhexmaray SiyaasiyiintaUrurka Dam-Jadiid kuwooda xilalka hayo iyo kuwa aan xilka ka heyn DF.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Culimo ka tirsan Ururka waxa uuna Ujeedka kulanka ahaa ka tashiga Higsiga Cusub ee 2016-ka.
Siyaasiyiinta qaar oo ay ka muuqatay xamaasad, ayaa waxa ay soo hadal qaaden ka faa’iideysiga wakhtiga harsan iyo Howsha hortaala DF Somalia, waxa ayna fakir ahaan soo jeediyeen in lagama maarmaan ay tahay in Xukuumadu ay hesho Jawi Siyaasadeed oo ay ku dhaqan galiso Hiigsiga waxa ayna carabaabeen in taasi lagu gaari karo in Dowladu ay hesho wakhti dheeri ah.
Waxa ay soo jeediyeen in Golaha Baarlamaanka laga jaahil bixiyo in DF aysan ku filneyn wakhtiga harsan, sidaa darteedna ay ogoladan waqti kororsi muddo kooban ah.
Sidoo kale, garabka kale oo u badnaa Cuqaasha talada Dam-jadiid ay ka go’do, aya iyaguna sheegay inay qabaan in mudada u harsan DF ay ku filnaan karto hadii iminka lasii bilaabo howlaha ku aadan dardar galinta nidaamka doorashooyinka waxa ayna ku taliyeen inaysan dhicin wakhti kororsi taasina maanka laga saaro.
Waxa ay ku baaqen maadaama uu wakhtigu dhamaad yahay arrintaasi kala shuureeyan xubnaha dowlada ugu magacaaban si ay yiraahdeen meesha looga saaro hoos u dhac ku yimaado Siyasada ay Dam-Jadiid ka duuleyso.
Dhanka kale, dood dheer kadib waxa ay isla garteen in arrintaasi dib loo dhigo islamarkaana ay la tashiyo lasoo sameeyaan Gudoonka sare ee BF, ka hor inta aan dhicin dhaliilo.
Idale News Online, Muqdisho.