Mareykanka oo diyaarad looga soo riday Magaaada Latakia ee dalka Suuriya

0
240

Washington(INO)-Militariga Suuriya, ayaa dhulka soo dhigay mid ka mid ah diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, xilli ay ku duuleysay hawada dalka Suuriya.

Militariga Suuriya oo sheegtay masuuliyadda lagu soo riday diyaaradaasi, ayaa waxaa burburkeeda lagu arkay Magaalada Latakia ee Waqooyi Galbeed Suuriya.

Militarigu waxay soo bandhigeen burburka diyaaradda, oo laga baahiyay Telefishinka Qaranka Suuriya. Telefishinku waxa uu tebiyay in diyaaradaasi la soo riday, xilli hawlo basaasnimo ay ku guda jirtay.

Suuriya, ayaa sheegeysa in gantaal lagu soo riday diyaaradda Drone-ka ah, isla-markaana ay burburkeedu gacanta ku hayaan Militariga.

Gantaal

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa waxay sheegtay inay waayeen diyaarad Drone ah, xilli ay ku duuleysay hawada Suuriya.

Pentagon-ka wax tafaasiil dheeri ah kama bixin diyaaradda, in lagu soo riday dalka Suuriya iyo inay cilad xagga motoorka ah ku timid.

Mareykanka, ayaa hawlo basaasnimo ah u adeegsada Drones-ka, waxayna xilliyada qaarkood ku beegsadaan xubnaha loogu doon doonista badan yahay.

Idale News Online, Latakia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here