Siyaasiga Cabdullaahi Shiikh oo ka hadlay is Casilaaddii Wasiirkii Amniga.

0
172

Iyadoo habenkii xalay ahaa war baahinta qaranka uu ka shaaciyay is casilaaddiisii wasiirkii Amniga qaranka ayaa arrintaa waxaa ka hadlay Siyaasiin wax garad iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga nabadda iyo Horumarka Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa ugu horeynba ka hadlay aragtidiisa ku aadan Xilka uu baneeyay Wasiirkii arrimaha Amniga ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa shaki ka muujiyay is casilaadaas isagoona hoosta ka xarriiqay inuusan marnaba aaminsanayn in Siyaasadda dalka uu ka maqnaanayo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Cabdullaahi Shiikh ayaa xusay in ay tani tahay mid la doonayo in dadweynaha loogu geedi guuro iyo Barlamaanka lana tusiyo in Wasiirkii uu is casilay si xukuumaddu u qariso sida ay ugu guul daraystay wax ka qabashada amniga Dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga nabadda oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in is casilaaddaas wax ay soo kordhinayso ayan jirin inta uu madaxweynaha joogana xaalladu ahaan doonto mid aan waxba iska bedelin waa siduu hadalka u dhigaye.

Cabdullaahi Shiikh ayaa intaa ku daray in bayaankii madaxweynaha Soomaaliya loogu soo jeediyay in xilkaas uu iska casilo uu si cad u diiday sidaa darteedna wasiir meesha ka baxa iyo taliye wax qaban karaaba aysan jirn intuu Xasan Shiikh Taliyaha guud ee ciidamada uu yahay.

Ugu dambayntii ayuu guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka uu ku celiyay baaqiisii ahaa in madaxweyne Xasan Shiikh iyo guruubkiisaba ay meesha ka baxaan markaasoo laga yabo in is bedel dalku uu sameeyo maadaama ay ku guul daraysteen balan qaadkoodii.

cabdullaahi shiikh xasan

Idale News Online, Muqdisho.