Muqdisho(INO)-Waxaa dhowaan soo baxay warar sheegaya in agaasimaha guud ee Gobolka Banaadir loo magacaabay Joon Nuur Xasan Xuseen oo ah wiil uu dhalay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde, taasoo keentay in la is weydiiyo sida ay ku dhici karto in mar haddii guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)oo ay jufo hoose isku yihiin mas’uulka cusub?.
Xilka loo magacaabay Joon Nuur Cadde waa xil ku cusub maamulka Gobolka Banaadir, waana xil loogu yeeray, agaasimaha xafiiska guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu qaabilsanaan doonaa qoraalada xafiiska guddoomiyaha Gobolka iyo xiriirka dibadda, marka si kale loo eego waa xogheynta guddoomiyaha Gobolka. Tani waxay caddeyn u tahay in xilkani yahay mid aad u hooseeyaa oo xitaa aan la shaacin, isla markaana aan mudneyn in wax badan laga sheego.
Joon Nuur Cadde wuxuu hore uga mid ahaa la-taliyeyaasha fara badan ee Ra’iisal wasaaraha, waxaana in xilkan in loo magacaabo ka dambeeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka codsaday inuu meeleeyo ninkani maadaama la-taliyeyaashii fara badnaa ee xafiiskiisa uu kala dirayo.
Magacaabidda xilkan ayaan wax saameyn ah ku lahayn guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo muddooyinkii ugu danbeeyay madaxtooyada laga waday in xilka laga qaadayo, laakiin waxaa cad in labada kiis ee qaar ka mida saxaafada isku xireen inaysan saameyn isku lahayn.
Idale News Online, Muqdisho.