Dhaqaatiir & Arday qaab cusub ugu biiray Xoogaga Daacish

0
279

Riqqa(INO)-Warbaahinta dalka Britain ayaa baahisay in ku dhawaad sagaal ruux oo u dhashay dalka Britain, ay si nidaam cusub ugu biireen Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Sakaalkaani ruux ayaa la tilmaamay inay isugu jiraan Arday iyo Dhakhaatiir waxa ayna bilowgii Safar ku aaden Dalka Sudan, halkaasi oo ay kaga amba baxeen Turkiga, dabadeedna ay kaga tallaabeen Suuriya.

Warbaahintu waxa ay shaacisay in Sagaalkaani ruux ay fariimo ka soo diray dalka Turkiga ka hor intii aynaan Suuriya u tallaabin, iyagoona sheegay in Suuriya ay u taggeen sidii dadka reer Suuriya loo caawin lahaa.

Mid kamid ah Aabayaasha dhalinyaradaasi, ayaa xaqiijiyay in wiilkiisu uu kala hadlay dalka Turkiga, intii aanu u safrin dalka Suuriya.

Muddooyinkan dambe, ayaa waxaa soo badanaya dadka ka soo jeeda dalalka Reer Galbeedka, ee ku qulqulaaya dalalka Ciraaq iyo Suuriya, oo Daacish ay ka dhisan tahay.

Idale News Onlie, Riqqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here