Sidee U arkaa Xafiiska Siyaasada QM Ee Soomaaliya (UNSOM) in USA Safiir usoo magacowdo Dalka Soomaaliya?

0
181

Xafiiska Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa guul usoo hoyatay dowlada Soomaaliya ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo ku aadanaa inuu soo magacaabayo safiirka dowlada Mareykanka ee Soomaaliya muddo ka badan 20 sano kadib.

Afhayeenka xafiiska UNSOM ee Soomaaliya Aleem Sadiiqi oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taasi ay tahay mid dheeri gelinaysa waxqabadkii dowlada Soomaaliya ee sanadihii lasoo dhaafay.

Afhayeenka ayaa sheegay in taasi laga yaabo inay horseedo gargaar iyo caawinaad dheeri ah oo dowlada Mareykanka ay siiso dowlada Federaalka Soomaaliya maadaama safaaradoodii ay dib kaga duranayaan magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso in horumaro la taaban karo laga gaaro magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, ayna soo dhaweynayaan hadalka dowlada Mareykanka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay soo dhaweynayso safiirka dowlada Mareykanka uu usoo magacaabayo dalka Soomaaliya, iyadoo dhankeeda laga sugayo inay magacowda Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

UNSOM-1

Idale News Online, Muqdisho.