Wakiilka Al-shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelada hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ka hadlay dagaalada Shabeelada hoose ayaa sheegay in dagaaladaasi ay ka danbeeyaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Halkan Ka Dhageyso
[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20684.MP3|autostart=yes]
Wuxuu sheegay Abuu Cabdalla in dagaalada ay ugu wacan yihiin hirgelinta nidaamka Federaalka ee Soomaaliya,isagoona tilmaamay in Shacabka Sh/hoose aysan dooneyn in hirgelinta nidaamkaasi.
Wakiilka Al-shabaab Shabeelada hoose ayaa shaaca ka qaaday in magaalooyinka Marka,Shalanbood iyo Janaale maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalo dhanka qabaa’ilka ku saleysan,wuxuuna hoosta ka xariiqay in dagaaladaasi dadka ay soo xusuusiyeen Xilligiii hogaamiye Kooxeedyada dalka ay ka jireen.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa hadalkaasi intaasi ku daray inay ka xun yihiin dagaalada dib u soo cusboonaaday,wuxuuna balan qaaday inay ku baxayaan,islamarkaana xalinayaan.
Idale News Online, Marka.