Shirkii wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya oo Goor-dhow Ka Furmay Magaalada Muqdisho

0
199

Muqdisho(INO) — Shirkii wada-tashiga doorashooyinka ka dhici doona Somalia sannadka soo socda ee 2016-ka ayaa goor-dhow ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin kala duwan oo kala socda dowladda Soomaaliya, maamul-goboleedyada, ururrada bulshada rayidka iyo Beesha Calaamka.

Labada maalmood ee uu kulankaan socdo waxaa looga hadli doonaa nooca ay noqonayso doorashada ka dhacaysa Somalia sannadka soo socda, iyadoo ay ka doodi doonaan arrimo badan oo ay u badan tahay doorashada dalka ka dhici doonta sannadka nagu soo fool-leh, iyagoo aragtiyadooda ka bixinaya noocan ay noqonayso doorashadaas.

Madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarihiisa ayaa ka mid ah xubnaha shirkan ka qayb-galaya, iyadoo sidoo kale ay goobjoogayaal ka yihiin madaxda maamul gobolleedyada ka jira dalka iyo xubno matalaya maamullada Shabeellad Dhexe iyo Hiiraan.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay madaxweynaha Somalia, Xaan Sheekh ayaa tilmamay in doorasho dalka laga qabto ay muddo hore u dambeysay, balse ay ku dadaalayaan sannadka soo socda inay doorasho ay shacabka Soomaaliyeed ku qabansan yihiin dalka ka dhacdo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku xusay in sababata shirka loo furay in ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay kawada tsshadaan ayaaha dalkooda, kaddibna talooyinkooda ay diyaar u tahay dowladda dowladdu Somalia inay dhaqan-geliso.

Ugu dambeyn, kulankaan wada-tahsiga ee maanta magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalinta berri ah lasoo gunaanado, iyadoo laga soo saari doono talooyin ku aaddan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Somalia ayaa horay u sheegtay in dalka aysan ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah, sidaas awgeedna laga wada tashan doono nooca doorashada dalka ka dhici doonta.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here