Dagaal Goor-dhow ka Qarxay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne

0
223

Baledweyne(INO) — Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed yaa goor dhaw oo maanta ah ka qarxay xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledeweyne.

Dagaalka oo si lama filaan ah u qarxay, ayaa leysku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaasta ay is-weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda laga maqlayo guud ahaan xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana dhinaca kala soconaya abaabul ay wadaan ciidammada militariga dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM oo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka.

Dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafada howl-wadaag ayaa billowday durbaba inay ka barakacaan xaafaddaha ay sidda gaarka ah ay dirirta uga socto.

Wixii warar ah ee soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa….

Idale News Online, Baledweyne