Shirweynaha guud ee Soomaaliya ee xal u helidda mushkiladda Guluwiga “ku talax tagga Diinta†ayaa maanta galay maalintii Sedexaad, iyadoo laga doodayo qodobo badan oo ay ku jirto xagjirnimada.
Ajandaha shirka oo ah mid looga hadlayo arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, doorka Warbaahinta, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo dhanka khibradaha ee ah in khibrado laga kororso dalalka horey u soo martay xagjirnimada ayaa diiradda lagu saaray xagjirnimada iyo sida bulshada loo gaarsiin lahaa fahamka saxda ah ee diinta Islaamka.
Sheekh Axmed Cabdi Samad oo isna ka hadlayay ajandaha xagjirnimada ayaa ku booriyay culumada in ay soo saaraan go’aan mid ah, oo bulshada lagu fahamsiin karo dhibaatada xagjirnimadu ay leedahay.
“Waxaan soo jeedinayaa in shirkaan ay ka soo baxaan xakun sharci ah oo lagu ciqaabi karo kooxda xagjirka ah ee Al shabaab, maadaama ay dhibaato ku hayaan dhalinta aan sida wanaagsan u fahamsaneyn diinta Islaamka oo ay marin habaabinayaan” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Axmed abdi Samad.
Sheekh Xasan Cali Maxamuud “Xasan Jaamici” oo isna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in xagjirnimadu ay tahay fikir qaabeeya qofka caqligiisa, kaasi oo isu badala waxa uu remeysanyahay, islamarkaana qof muslim ah loogu tilmaamo in uu dilo oo loo gaalaysiiyo, isagoo intaa raaciyay in culumada looga fadhiyo sidii ay fikirkaasi qaldan dhalinta looga weecin lahaa.
Sheekh Xasan Jaamici ayaa soo jeediyay talooyin ay ka mid ahaayeen in askarta la siiyo mushaaraad ku filan, taasi oo uu ku tilmaamay in ay askarta u sahleyso sidii ay daacadnimo ugu shaqeyn lahaayeen shacabka iyo qarankooda, in la sameeyo kacdoon shacab oo ka dhan ah Al shabaab iyo in culimadu ay dabagal ku sameeyaan go’aannada ka soo baxay shirkan.
Sheekh Xasan Cali Maxamuud ayaa ugu dambeyntii soo jeediyay in culimada Soomaaliyeed ee shirka fadhiya ay si wada jir ah ugu dhawaaqaan waxa ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed ay helaan oo shirka ay uga gol leeyihiin, wuxuuna waydiiyay saddex su’aal oo ay uga jawaabeen sidan:-
Maxaan Rabnaa ?: NABAD
Goorma? HADDA
Berri ma sugnaa ?: MAYA
Idale News Muqdisho