Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo Muqdisho ku kulmay (Sawirro)

0
204

Kulan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha aadan Cadde oo ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Saraakiisha Taliska Ciidamada xooga dalka iyo xubno saraakiil ka socotay Ururka Midowga Yurub ayaa looga hadlay kor u qaadista tayada ciidamada iyo iskaashiga.

Kulankan oo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen saraakiil ka socday Wasaaradaha Gaashaandhigga Dalalka Midowga Yurub gaar ahaan UK, Mareykanka, Talyaaniga iyo Turkiga.

Ugu horreyntii waxaa Shirka furay K/Simaha Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Muuse Cabdulle Maxamuud oo sheegay inay Wasaaraddu horumar wanaagsan ka gaartay Xureynta Gobollada dalka,islamarkaana ay wadashaqeyn ka leeyihiin Taliska Milateriga dhinacyada Qorsheynta Howlgallada,Tababarrada iyo Istaraatiijiyadda ciidan waxa uuna uga mahadceliyay Madaxda Reer Yurub taageerada ay u fidiyaan Ciidamada Xoogga dalka waxa uuna soo dhaweeyay tababarka ay Midowga Yurub gudaha dalka ku siinayaan Ciidamada Xoogga dalka.

Col. Demassi Taliye ku xigeenka Howlgalka Tababbarrada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay isbedelka muuqda oo ay ku tilaabsatay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo sida loo habeeyay Taliska Ciidamada Xoogga dalka waxa uuna ballanqaaday in Midowga Yurub ay tababarka ciidamada sii kordhinayaan haddii ay ahaan laheyd gudaha iyo dibadda dalka.

Saraakiisha ka qeybgashay kulanka ayaa muddo saacado ah dood kulul ka yeeshay qaabka loo sii dardar gelin karo Howlgallada iyo Istaraatiijiyadda Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ,iyagoo isku raacay in si wadajir ah gacan looga geysto ciribtirka Alshabab ee Argagixisada ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Idale News Muqdisho