Muqdisho (INO) – Shirkadaha Diyaaradaha ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways ayaa ku Dhawaaqay iskaashato Xoog leh oo ay kula Loolamaan Sharikado Caalami ah oo Dalka Duullimaadyo ka Billaabay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Sharikadood ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u Sheegay in hadda ay Labada Shirkadood u Bahoobeen sidii ay door ka weyn kan ay hadda ku leeyihiin Duulimaadyada dalka ugu yeelan lahaayeen Caalamka iyo Dalkaba.
Maxamed Yaasiin oo ah Agaasimaha Shirkadda Daallo iyo Siciid Qeyliye Agaasimaha Jubba Airways ayaa Shirkadaha kale ee Maxaliga ah ugu baaqay in ay ku biiraan Iskaashatadan oo ay u Bixiyeen African Airways Alliance (Isbahaysiga Duulimaadka Afrika).
Sanadkii lasoo Dhaafay Wadarta Labada Shirkadood waxa ay kala Gooshiyeen 250,000 (labo boqol iyo konton kun oo qof), iyaga oo Macaashay Adduun Lacageed oo Gaaraya $75 Malyan oo Dollar.
Waxa ay hadda Duulimaad u Sameeyaan 13 Qad, waxayna doonayaan in ay Gaarsiiyaan illaa 21 Qad, iyaga oo Duulimaadyadooda ku tagi doona dalalka Itoobiya, Yemen, Sucuudiga iyo Yurub. Waxay Hawada soo Gelin doonaan Labo Diyaaradood oo kiro ah oo Nuucyadoodu kala yihiin Airbus A321-111s iyo Boeing 737-300.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo hadlay ayaa sheegey in Shirkadahani ay muhiim u yihiin Dhaqaalaha Soomaaliya, Tahayna in Dowladda Soomaaliya ay Garab siiso si aysan Suuqa uga saarin Shirkadaha kale ee Shisheeyuhu leeyihiin.
Soomaaliya waxaa aad ugu soo Kordhaya Suuqa Duulimaadka, waxaana hadda bilowday tartan Caalami ah oo Diyaaraduhu ugu jiraan Macaamiisha Soomaaliya.
Idale News Online – Muqdisho