Exclusive: Maxaad ka Ogtahay in Faarax Sh. C/qaadir laga Dhigayo Taliyaha Nabad Sugidda?

0
239

Muqdisho(INO)-Warar hoose oo ay Heshay Warbaahinta Idale News Online  ayaa sheegaya in Faarax Shiikh C/qaadir, Wasiirkii hore ee Garsoorka loo Magacaabayo Taliyaha Nabad sugidda Dalka.

faarax-cabdulqaadir-maxamed

Ilaa Seddax Talis ayaa la Filayaa in Isbedello lagu sameeyo, Talisyada Nabad Sugidda, Booliska iyo Meletarigaba, Dhamaantood lama Hubo dadka lagu kala Bedelayo, Taliyeyaasha ilaa hadda sida Cad loogu sheegay ama Tegayna waxaa ka mid ah, Taliyihii Nabad sugidda Qaranka Taliskii Booliskuna si KMG ah ayuu usii Magacaabanyahay, Halka kan Meletarigana Dhaliilo Badan oo laga Gudbiyay ay suuragal tahay in uu shaqadiisa ku Waayo.

Taliska Booliska Qaranku waxaa uu si KMG ah usoo Shaqeynayey tan iyo Markii uu si Kedis ah ku dhintay Taliyihii Booliska Maxamed Shiikh Xasan Ismaaciil, waxaana la Filayaa in Todobaadyada foodda nagu soo haya lasoo Magacaabo Talisyada Cusub ee Booliska iyo Nabad sugidda, iyadoo kan Meletarigana Marka Shaqada laga Ruqseeyo la Keeni doono Taliyaha Bedeli doona.

Ugu Dambeyntii Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ayaa la Filayaa in Faarax Shiikh C/qaadir loo Magacaabo, taasoo Halis aan Sahlaneyn ku Noqoneysa Sirdoon Madaxbanaan oo ay Soomaaliya yeelato, Sirdoonka Soomaaliyeedna waxaa uu Noqon doonaa mid Dhaqdhaqaaqiisa lagala Socda Addis Ababa.

Idale News Online, Muqdisho.