Shir Looga Hadlayo Saliida& Shidaalka Dalka Soomaaliya Oo Ka Furmey Magaalada London

0
200

Sida ay ku soo waramayaan Wararka naga soo gaaraya Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska Waxaa Goor dhaw ka Furmay Halkaasi Shir hal Maalin Soconaya oo looga Hadlay Gaaska  iyo Saliida Somalia kaas oo uu Somalia u Matalayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo Hadda ku sugan Madasha Shirka.

War Goor Dhaw aanu ka Helnay Wariyaasha ku sugan Xarunta Shirku ka Dhacayo ayaa waxaa uu sheegayaa in Shirku Daqiiqado ka hor uu si Rasmi ah u Furmay isla Markaana ka qayb galayaashu ay guda Galeen ka hadalka Arimha uu quseeyo Shirku oo ah Shidaalka iyo Qayraadka Dabiiciga ah Ee Dalka Somalia waxaana ka qayb galaya Madaxda Ururo iyo shirkado Caalami ah iyo sidoo kale Dowlado Daneeya Somalia.

Madaxweynaha Somalia oo lagu waday in uu ka qayb galo shirkaas ayaa isagu ka Baaqday oo aan ka qayb galin waxaana Wararku ay sheegayaan in Dowladda Somalia ay shirka u wakiilatay C/wali Gaas Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Puntland kaas oo calanka Somalia la hordhigay Markii Kulanku Furmay.

Dhowr Mar oo hore ayaa Shirar Caynkaan oo kale ah oo looga Hadlay Kheyraadka Dalka Somalia waxaa lagu qabtay Dalka Dibadiisa iyadoo wadanka Ingiriiska Markii labaad oo lagu qabto shir Nuucaani oo kale ah ay u tahay waxaana shirka la soo gaba gabey doonaa Maanta Galinka Dambe Iyadoo la filayo in laga soo saaro Qodobo wax ku Ool ah .

B0YGu5TIQAMyLw4

Idale News Online, London, Uk