Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Md Shariif Sheekh Maxamed oo Gaaray Magaalada London

0
204

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degay Magaalada London ee Xarunta Boqortooyada Britain.

Jaaliyada Somaliyeed ee Magaalada London, ayaa soo dhaween qurux badan ugu sameysay Garoonka Heathrow ee Magaalada London, markii uu ka soo amba baxay Afrikada Bari.

Magaalada London waxaa ka soconeyso qaban qaabo loogu diyaar garoobaayo kulan uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed la qaato Jaaliyada Somaliyeed, iyadoona uu khudbad u jeedin doono.

Suxufi ku sugan Magaalada London, ayaa soo sheegaaya in Madaxweynuhu uu muddo lix bilood sii jooggi doono Magaaladaasi, isla-markaana uu wax ka baran doono Jaamacada Oxford.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa labadii sano ee ugu dambeysay waxa uu deganaa Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda, ka gadaal markii looga guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalka (10, September, 2012).

Shariifka, ayaa si qurux badan leh xilkii madaxtinimada ugu wareejiyay Madaxweynaha haataan tallada dalka haaya ee Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilkaasi loo doortay muddo afar sano ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa Shariifka ku ammaanay inuu noqday Madaxweynihii Somaliyeed oo xilka si dimuqraadiyad leh u wareejiya, muddo 42 sano ka dib.

Jawari1& Sh.Shariif

Idale News Online, London, Uk