Shir Jaraa’id: Ciidanka Booliiska oo soo bandhigey gaari ay qabteen oo hub ku rarnaa

0
190

Shir Jaraa’id oo Muqdisho ku qabtay galinkii danbe ee Maanta Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliya General C/xakiin Daahir Siciid (Gen Saacid) ayuu kusoo bandhigay gaari siday Walxaha Qaraxa oo gacanta xalay kusoo dhigeen Ciidamadda Amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka booliska soomaaliyeed General Cabdi Xakiim Daahir Saacid ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka lagu soo qabtay gaarigan siday hubka daxaleystay,isagoo sheegay in la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka soomaaliyeed,laakiin ay ciidamada amaanka ka hor tageen arrintaasi.

Dhageyso Jeneral Saacid Daahir oo qabtey Shirkaas Jaraa’id: [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/Ciidanka-boliska-oo-maanta-howlgal-sameeyey-1.mp3]

Goobta Hubkan lagu soo bandhigayay ayaa waxaa joogay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Taliyaha hay,adda Sirdoonka iyo nabad sugidda qaran General Bashiir Goobe.

Ciidamada amaanka ayaa mudooyinkan howlgal isdaba joog ah ka waday degmooyinka Gobolka Banadir,waxaana lagu soo qabqabtay howlgaladaasi qaar ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

DSC05235-Copy

DSC05232

DSC05233

Idale News Online Mogadishu