Sheekh Xasan Yacquub Cali, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ee Al Shabaab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in meydadka Ciidamada Itoobiya, ay daadsan yihiin duleedyada deegaanka Wabxo.
Wabxo waxay 42 u jirtaa Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, taasoo dhowaan bilaa dagaal loogala wareegay Xarakada Al Shabaab, markii ay isaga baxeen.
Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiya dagaal aysan fileynin kala kulmeen Ciidamada Xarakada Al Shabaab, oo wadada u galay.
Sheekh Xasan Yacquub wuxuu kaloo sheegay in dagaalada gaadiid looga gubay, isla-markaana uu meydadka Itoobiya daadsan yahay duleedyada deegaanka Wabxo.
Wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay doonayeen in ay la wareegaan deegaanka Wabxo, hase ahaatee ay ku fashilmayn in ay la wareegaan.
Sheekh Xasan wuxuu intaa ku daray in labada Ciidan ay isku hor fadhiyaan banaanka hore ee deegaanka Wabxo, ayna suurta gal tahay dagaalo kale oo halkaasi ka dhaca.
Idale News Online.