Kulan ammaanka looga hadlayay oo maanta ka dhacay Degmada Afgooye.

0
215

Afgooye –Kulanka oo ahaa mid aad u ballaaran ayna ka soo qeyb galeen Odayaasha dhaqanka , Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka dhacday Degmada Afgooye ayaa looga hadlay xaaladda amni iyo mida Siyaasadeed ee ka jirta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Suldaan Max’ud Xuseen Max’ed oo ka mid ah Odayaashii Kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay In loo baahan yahay in wax laga qabto Isbaarooyin si aad ah loo soo dhoobay waddooyinka mara deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose.

“ Min Ceelasha illaa wanlaweyn ayey bil  qantahay Isbaaradu , degmada Afgooye waxaan ka sheego waa been waayo ammaankeeda waa uu soo wanaagsanaanayaa waaxaa ka sahqeeyay Maamulkeeda” sidaasi waxaa yiri Suldaan Max’ud Xuseen Max’ed oo hadalkiisa sii watay.

Ugu dambeyn Kulankaasi ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Isbedel ku keento xaaladda Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan Saraakiil iyo Ciidamo labisan dareeska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afgooye

Idale News Online.