Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ogolaadey in uu Mogadishu tago wada hadal dheer ka dib

0
182

Wada hadalo aan loo kala kicin oo kasoconayay degmada Cadaado ee maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa guul ksuoo dhamaaday kadib markii Sh Xassan Daahir Aweys uu ogolaaday in lageeyo magaalada Muqdisho si uu wada hadalo ula furo dowlada Federaalka.

Xasan-Daahir

Xildhibaano iyo waxgarad ka tagay Muqdisho dhawaan ayaa waqti dheer uhuray sidii Xasan Daahir Aweys loogu qancin lahaa in uu Muqdisho tago.

Wararka ayaa sheegaya in Dh Xassan Daahir ayuu shuruudo badan ku xeray tagidiisa Muqdisho taas oo maamulka Ximin iyo Xeeb ay ku tilmaameen tilaabo uu Xasan Daahir wali ku doonayo in dowlada uu kaga sii horjeedo oo uu lasii dagaalamo balse xilligan waxaa isbadalay mowqifka Xasan Daahir.

Dhawaan ayaa lafilayaa Wafdiii Xildhibaanada iyo Odayaasha ahaa oo uu wehliyo Shiikha in ay gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa soo dhaweeyay Ogolaanshaha Xasan Daahir ee ah in uu magalaada Muqdisho xarun kadhigto xilli maamulka Cadaado ay soo wajahayeen culeysyo xoogan oo kaga imaanay Maamulaad Ahlu Sunna iyo Galmudud oo iyna ka arimiya qeybo ka mid ah goboldda Galgaduud Iyo Mudug.

Mas’uuliyiin ka mid ah dowlada ayaa lafilayaa inay ka hadalaan ogolaanshiyaha iyo tagida Sh Xasan ee caasimada Muqdisho

Idale News Online