Shaqaale ka tirsan wasaaradda tacliinta sare oo xog yaab leh ka bixiyey weerarki shalay dhacay

0
212

Muqdisho(INO)-Mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee DF Somalia oo xiliga weerarka ku sugnaa dhismaha, ayaa inooga sir waramay qaabka uu u dhacay weerarkii ay Maleeshiyada Alshabaab ku qaaday Wasaarada.

Waxa uu sheegay in saacad ka hor inta uusan weerarka dhicin dhismaha Xarunta laga dareemaayay cabsi xoogan, kadib markii ay wasaaradu noqotay mid mashquul badan, islamarkaana ay horay u taagneyd cabsi laga qabay in dhismaha ay soo weeraraan Alshabaab.

Waxa uu tilmaamay in raga weerarka soo qaaday ay maalmahaani dambe kusoo laalaabanayeen xarunta iyaga oo iska dhigaaya arday howlo waxbarasho ay uga xiran tahay Wasaarada.

Sidoo kale, waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Laba saac ka hor inta uusan weerarka dhicin ragaasi ay ku dhex sugnaayen xarunta iyaga oo wata dhar shacab ah, islamarkaana indha indheenayay qaabka ay shaqada u soctay iyo Mas’uuliyiinta wasaarada ee joogta xarunta, kadibna ay isaga tageen xarunta, dibna usoo laabteen iyaga oo wata Hub iyo dhar ciidan sidaana ku fuliyeen weerarka.

Xogta aan shaqsigaasi ka helnay ayaa sheegeysa in xili hore Ilaalada wasaarada loogu goodiyay inuu kusoo fool leeyahay weerar, balse Ciidamadu ay ahaayen kuwa is dhigtay.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa aaminsan in Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ay ardayda ku baraarujiso inay ka qeybqaatan xasilinta dalka, islamarkaana ay dalkooda ka difaacdaan Alshabaab, waana tan keentay in Maleeshiyadu ay dhismaha ku qaadan weerarka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here