Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Ahlu-sunna ee gobalada Koonfureed Maxamed Yuusuf Aw-libaax iyo gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil waa laba shaqsi oo siyaasadooda lagu sheego in xilligaan aysan fadhin qodobo lagu eegay awgood.
Tusaale Barre Hiiraale waxa uu kasoo horjeestay maamulka Axmed Madoobe, illaa iyo haatanna waa shaqsi ku taagan mowqifkii uu qaatay, iyadoo isbedallo aan lagu arag.
Aw-libaax waxa uu ka mid yahay saxiixayaasha Jubbalan, waxaana uu xil ka waayay maamulka Axmed Madoobe, markii uu taasi xaqiijiyay waxa uu soo aaday dhanka Gedo, isaga oo muujiyay in Kismaayo ay dhibaato ka jirto islamarkaana maamulka Axmed Madoobe aanu ahayn maamul loo wada dhan yahay.
Hadaba su’aasha taalla ayaa ah Aw-libaax shalay markii uu lahaa maamul ayaan dhisanaynaa, dadka jooga Gedo waa kuwo qaldan miyuu saxsanaa, mise haatan oo uu leeyahay waa qalad ayuu saxsan yahay?
Dhanka kale Maxamed Cabdikaliil aad ayuu uga soo horjeeday maamulka Jubbaland, hase yeeshee waxa uu aaday Kismaayo iyadoo aan la fileyn halkaasi oo maalmo badan ku sugnaa, sheegayna in uu yahay gudoomiyaha Gedo ee Jubbalan, laakiinse markii uu Gedo ku laabtay waxa uu lasoo baxay weji cusub, taasi oo ku aadan in uusan Jubba taageersaneen, kana soo horjeedo aragti, isna Kismaayo markii uu aadayay miyuu ku saxnaa mise xilligaan ayuu saxan yahay?
Siyaasiyiintaan magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed ayaa dadka qaar waxay ku sheegeen kuwo aan eegin shacabka dantooda, balse doonaya oo kaliya danahooda iyo xil bursi.
Shalay hadii Kismaayo dadka lagu xasuuqayay muxuu u jooga Aw-libaax, muxuuse u oran waayay xilligaasi joojiya xasuuqa, Kaliil isana shalay hadii uuba Kismaayo iska dhiibay waa maxay wejiga kale ee hadda u furan.
Idale News Online, Muqdisho