Buurhakaba(INO)-Dadka ku safara Inta u dhaxeyso Baydhabo iyo muqdisho ayaa wel wel xoogan ka muujiyay isla markaana ayagoo naf quursan ku maraa Degaanka Jameecadda oo u dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaasoo Kooxda Islaamiga ah ee Soomaalida Al-shabaab ay u taalo Isbaaro weyn oo ay ka helaanAduun badan Maalin weliba.
Dadka ayaa la soo daadiyaa Ragg iyo Dumar, durba markii ay gaaraan halkaasi, isla markaana daraawalada ayaa waxay aadan meel Duur ah oo ay ku jiraan Kooxda Canshuurta qaada isla markaana waxay u soo dhibaan Boono, ka dib maarkii ay iska bixiyaan Canshuurta.
Ragg wajiyada u duuban oo laga cabsado ayaa Baarintaano xoogan ku sameeya, ragga gaar ahaan kuwa dhalanyaradda ah , waxayna si daran u baaraan Boorsooyinka, iyagoona raadinayo Dukumindiyo iyo qoraalo kale oo ay saluugsan yihiin, waxayna dadku ku qaadataan baaritanadaasi mudo, qofkii ay ka shakiyaan madhaafo halkaasi ,way kala degaan gaariga.
Mobilada Shaashada Labto, sida Gulexy, Sumsung iyo Iphones, way ka xanaaqaan islamarkaana wayna la haraan, iyo Momery-Card-ka ee wax lagu keydsado.
Gawaaridda waa weyn ee isku kala Goosha Gobolada Gedo, Bay iyo qiibo ka mid ah Gobolka Bakool ayaa waxay ka qaadaan cashuur xad dhaaf ah, iyagoona bixiya $250 midkii oo u dhiganta 5,ooo,ooo Million oo Sh. Somalia ah halka Gawaarida fudfud ee Dad weynaha ay ka qaadaan $10 oo u dhiganto 200,000 Kun oo Sh. Somalia ah, Sidoo kale waxay canshuuraan Malabka laga keena Degaanada KG Soomaaliya oo loo wado Muqdisho, Halkii Caag waxay ka qaadaan $1 oo u dhiganto 20,000 sh. Somalia.
Ugu Dambeyntii Degaanka Jameecada ee Gobolka Bay, waxa uu can ku yahay canaanada, dadka ayaa waxay is weydiinayaan sababta ciidamada AMISOM iyo dowlada Soomaaliya ay saldhig uga dhigan waayeen degaankaasi, iyagoona wax ka yar 20KM lagu baarto Shacabka Ku safraayo Wada Isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.
Idale News Online, Buurhakaba