Dubia(INO)Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wefdi Uu hogaaminaayo ayaa safar shaqo ah ku jooga Maalintii labaad Dalka isu taga imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kulun la yeeshey Madaxda Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo wasaaradda arimaha gudaha ee dowlada isugta imaaraadka carabta iyadoona kulunka looga Hadley qodobo dhow ah isla markaana ay isku afgarteen Labadda Dhinac.
Qodobada looga Hadley ayaa waxa ka mid ah; Horumarinta Garoomadda diyaaradaha iyo dikadaha ee dowladda Koonfur Galbeed soomaaliya, arimaha amaanaka, waxbarashadda , Caafimaadka,Arimaha Bini’aadanimada iyo dardar galinta La Dagaalanka Kooxda Mayalka Adag ee soomaalida Al-shabaab oo Dagaal Adag kula Jirta Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM, isla markaana Qiibo ka mid ah Gobolada KG Soomaaliya ay haystaan.
Dowladda Isugata Imaaraadka Carabta, ayaa waxay dalka soomaaliya ka wadaa Mashaariic horumarineed iyo Mid bini’aadanmo, iyadoona taagyeero Siyaasadeed mid dhaqaalle ay siiso Dowlada Dhexe ee soomaaliya.
Sidoo kale Dowladda Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa balanqaadey in Maalgashiyo ay ku sameeyn doonto Gobolada koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana, waxay sheegtey in si dhow ula socto hanaanka Dowladimo ee ka yagleeley Gobolada Bay, Bakool iyo Gobolka Shabellaha Hoose, isla markaana waxa ay hoosta ka xariiqdey ka qiib qaadashada dib u dhiska iyo horumarinta Degaanadda KG Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Gobolada KG Soomaaliya ayaa hoddon ku ah khayraad badan, oo aan haysan dowlado ka mid ah qaaradda Afrika isla markaana ku filan dadkeeda, kuwaasoo ay ka mid yihiin Beeraha, xoolaha Nool, Khayraadka baddda iyo ganacsiga furfuran ee shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sameeyaan.
Idale News Online, UAE