Shabelada hoose:Militeriga Soomaaliya & Amisom oo bur buriyay Awoodii & Saldhigyadii Shabaab ee

0
233

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta waxa ay Howlgalo ka bilaabeen deegaano ka tirsan Gobaladda Shabellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe waxaana Howlgaladaasi ay ku burburiyeen Fariisimo Al-shabab ay ku la haayeen inta u dhaxesa Balcad iyo Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowlada ee ka qeebqaadanaya Howlgalka ayaa KNN u sheegay in ay burburiyeen Fariisimo Al-shabab ay ku la hayeen  wadada isku xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Saraakiishaan oo ka gaabsaday in Codkooda aan adeegsano ayaa inoo sheegay in wali ay ku guda jiraan Howlgalka islamarkaana ay ku soo qabteen dad ay ku tuhmayaan inay xiriir la leeyihiin Al-shabab kuwaas oo baaritaano ay ku socdaan.

Dadka lagu soo qabtay Howlgalka ayaa qaarkood la geeyay Dagmadda Balcad ee Gobalka Shabellaha Dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan Magaaladda.

Fariisimaha Al-shabab laga burburiyay ayaa la sheegay in dagaalamayaashii ka tirsabnaa  in ay isaga baxeen marka ay ka war heleen inay ku soo wajahanyihiin Ciidamada isgarabsanaya ee AMISOM iyo Dowlada.

Howlgalka ay maanta ay ka sameeyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM Deegaano ka tirsan Labadda Gobol ee Shabeelooyinka ayaa imaanaya xili 2 bishaan oo ku beegneed Jimcahaan kii ka horeeyay Al-shabab Dagaal kula wareegeen Dagmadda Balcad oo saacado kooban ka dib ay dib uga baxeen.

Dhinaca kale waxa uu imanayaa Howlgalka ay ciidamadu wadaan iyadoo 7 bishaan Masuuliyiin ka tirsanaa Maamuladda Hirshabelle iyo K/galbeed ay ku dhinteen Qarax Miino oo lagula beegsaday Duleedka Dagamadda Afgooye ee Gobalka Shabellaha Hoose