Saturday, June 21, 2025
Home Idale Somali News Update War Xasaasi ah:Mahad Salaad oo u jawaabay Imaaraadka ( Farmaajo Waa Astaanka...

War Xasaasi ah:Mahad Salaad oo u jawaabay Imaaraadka ( Farmaajo Waa Astaanka Soomaaliya…

0
245

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan dowlada ayaa markii ugu horeysay difaacay madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa.

Baraha Bulshada iyo saxaafada Imaaraadka ayaa bilaabay iney soo wariyaan hadalo gaf ku ah madaxweyne Farmaajo iyo qaranimada Soomaaliya.

Hoos ka Akhri Warbixinta Baraha Bulshada Imaaraadka oo Aflagaadeynaya Madaxweyne Farmaajo:- Riix Linkiga.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka jawaabaya arintaas ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yahay astaanka qaranimada Soomaaliya isla markaana aysan jirin cid ku xad gubdi karta.

HOOS KA AKHRI FARIINTA MAHAD SALAAD

Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay!

Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo inkstoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay hadana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigantahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay. Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa.

Hon. Mahad Salad