SAWIRO: Ciidanka Uganda ee Muqdisho jooga oo Cayil la socon karin (Warbixin walaac ka muujisay),

0
251

Todobaadyo kahor ayey ahayd, markii askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya joogaa uu Wargeyska The Star ee dalka Kenya kasoo baxa u sheegay, in ciidamada AMISOM aanay dani ugu jirin xasillooni ka dhalata dalka Soomaaliya, maadaama ay faa’iidooyin badan ku qabaan, kusii negaanshahooda Soomaaliyana ay uga dhigan tahay inay lacag badan heli doonaan.

Hadaba iyadoo ay sidaas tahay, ayaa wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda, wuxuu daabacay warbixin dheer oo ka hadlaysa nolosha ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

ug
Warbixinta waxaa cinwaan looga dhigay: Cuntooyin wanaagsan, telefoonno quruxsan iyo dhar nadiif ah….nolosha cusub ee ciidamada Uganda.

Weriye ka tirsan isla wargeyska New Vision oo isagu booqasho muddo labo maalmood ah qaadatay magaalada Muqdisho ku yimid, lana yaabay barwaaqada ay askarta Uganda Soomaaliya ku haystaan, ayaa warbixintan oo ah mid aad u xiiso badan qoray:-

Todoba sano ayaa hadda laga joogaa markii Dowladda Uganda 7,000 oo askarteeda kamid ah ay u dirtay dalka Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, qaar badan oo askartaas kamid ah noloshoodu marna ma noqon doonto sidii ay horay u ahayd.

Cuntada:
Kaddib labo maalmood oo aan Soomaaliya soo joogey, kama welwelsani khatarta nolosha askarteena kasoo wajihi karta dhanka Al-shabaab, waxanse aad uga walaacsanahay in ciidamadeena Soomaaliya joogaa ay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo aad u cayillan oo ay baruurtu ka badatay.

Ciidamadeenu cunto fiican ayey halkan ku haystaan, marka loo eego saaxibadooda dalka Uganda gudihiisa ku sugan. Quraacdoodu waxay ka kooban tahay rooti, ukun, sharaab, malab iyo subag. Waxaa sidoo kale intaas u dheer noocyo kala duwan oo shaah iyo kafee ah.

Qadada iyo cashada waxay cunaan Posho ama Ugali [oo kamid ah cuntooyinka ay Yugaandhiisku ugu jecel yihiin], bariis ay aad tayadiisu u sareyso, hilibka doorada iyo hilib lo’aad. Xiliyada qaarna waxaa u dheer kalluun, faasuuliyad iyo weliba khudaar.

ug1
Mar taliyaha guud ee ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ee Soomaaliya jooga, Kol. Brig. Dick Olum uu kulan la qaatay ciidamada, ayaa askari kamid ahi wuxuu weydiiyey su’aal ahayd: “sidee ku dhici kartaa in todobaadkan oo dhan aan cuno shan xabbo oo tufaax ah oo keliya?!”.

Maalin kale, mid kamid ah cunto-kariyeyaasha ka shaqeeya kushiinka ciidamada, ayaa u sheegay weriyeyaal Yugaandhiis ahaa oo xarunta soo booqday, in ay cunaan intii ay awoodaan oo burcad ah, wuxuuna yiri: ” cuna askartu bahashan aad bay uga dhergeen oo hadda cidi uma baahnee”

Af-hayeenka ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga Kol. Paddy Ankunda, ayaa isna sheegay in askarta khasab looga dhigay inay si joogto ah miisaanka jirkooda ula socdaan.

“Dadka jooga furimaha dagaalka baruur badani fuuli mayso, marka loo eego shaqada ay hayaan. Kuwa jooga xarumaha kale iyo bar-kantaroollada waxan ku dhiiri gelineynaa inay dadaal badan ku bixiyaan sidii ay miisaankooda ula socon lahaayeen” Paddy Ankunda ayaa sidaas yiri

Hoolka cuntada waxaa ku xiran shaashad weyn oo ay askartu wararka caalamka ka daawadaan xilliga ay cunteynayaan. Waxaa sidoo kale jira qaboojiye weyn oo ay ka buuxaan furud, cabitaano kala duwan iyo weliba biyo sifeysan.

Maalintii ugu horreysey ee aan Muqdisho tegey, waan yaabay markii aan arkay gabar dhallinyaro ah, aad u dhiirran kuna lebisan direyska ciidamada. Waxan u haystay in xog-hayn ama wax lamid ah ay u tahay ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga.

ug3
Qaab ahaan waxay u ekayd haweenka kale ee magaalada ka shaqeeya, laakiin taasi waxay ahayd kahor intii aanan arkin salaan-sharaf ay dadka iyada ka derejada hooseeyaa siinayeen.

Mar dambe ayaan ogaaday in magaceedu uu yahay Maj. Renee Mwesigwa, ayna qayb ka ahayd haween dhowr ah oo Madaxweyne Yoweri Museveni uu hawl-karnimadooda dartood billado ku guddoonsiiyey munaasabaddii maalinta haweenka ee sannadkan.

Waa hooyo la qabo, waxaana jira haween badan oo sideeda oo kale la geeyey jiidda hore. Aad bay u dhallinyar yihiin, way quruxsan yihiin sidoo kale aad bay kuusoo jiidanayaan marka wataan qalabka ciidamada.

Ciidanka waxaa laga helayaa ugu yaraan xirfad kasta qof khabiir ku ah. Waxaa ku jira sharci-yaqaanno, xisaabiyeyaal, kaal-kaalisooyin, dad yaqaanna IT-ga iyo kuwa kale oo badan.

Waxay leeyihiin kushiino ay cuntada ku karsadaan, iyo weliba dhakhaatiir gaar ah. Dhakhaatiirtaas waxaan ka xusi karaa Captain Betty Akello Otekat, oo iyadu ah madaxa kaal-kaalisooyinka AMISOM, waxay ii sheegtay inay ka diiwaangashan tahay wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda.
ug4
Iyada ayaa go’aansatay inay ciidamada ku biirto marna dib ma aysan jalleecin. Waxay ii sheegtay in meel khatar ah sida [Soomaaliya oo kale] oo laga shaqeeyaa ay faa’iido badan leedahay. ” tabar kaddib, waxan hadda awoodaa inaan si wanaagsan u maareeyo nolosha qoyskayga, waxabarashadeyda iyo weliba shaqadeyda…”

“Waxan horay u qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda oo ahayd kaal-kaalisonimo, hadana waxan diyaarinayaa shahaadada labaad ee masterka. Dadka qaar bay la tahay in ciidamada oo lagu biiraa ay la micne tahay noloshaada oo soo idlaatay, anigase bilow ayey ii tahay…” Akello ayaa sidaas tiri iyadoo intaas raacisay in mushaharaadku ay wanaagsan yihiin marka lagu shaqeynayo goob halis ah sida magaalada Muqdisho. Waxay sidoo kale shaacisay in kaal-kaaliyeyaashu halkan ay celcelis ahaan bishii ka qaataan lacag ka badan $800.

Askari kale ayaa isna si hoose iigu sheegay in markiisii hore uu qareen ahaa. ” laga soo bilaabo markii aan ciidamada ku biiray, noloshaydu ma ahan sideedii hore…waxan sugi karaa ammaanka islamar ahaantaana waxan talooyin dhanka sharciga la xiriira siin karaa dadkeyga ama saaxiibadeyda aanu ciidanka ka wada tirsan nahay” sidaas ayuu yiri.

ug5

Moobaylo Qurxoon oo Shashadda Laga Isticmaalo:

Haddiiba uu jiro askari ka tirsan ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga oo aan telefoonka gacanta haysan ama shaashadda TV-ga ee ballaaran aan reerkiisa Uganda jooga u iibin, waxan si fudud u oran karnaa sabab kale uma diidine isaga ayaan dooneyn inuu gato. Askarta mushaharkooda waxaa qayb kamid ah loo siiyaa hor-maris, qabta hartayna waxay ku kaydsadaan akoonnada ay bankiyada ku leeyihiin.

Waxaa jirtey xilli askariga Yugaandhiiska ahi uu xiran jirey tuute duug ah, taas hadda waa laga soo gudbay. Sida uu ii sheegay Kol. Akunda, sanad kasta wuxuu askari walba helaa labo joog oo direyska ciidamada ah.

Kabihii kooyada ahaa ee caagga ahaa ee qoraxdu cagaha dadka ka gubi jirtey had ma xirtaan, kuwo harag ka sameysan ayaa loo qaybiyaa. Waxay sidoo kale haystaan funaanadaha hoos laga xirto, buraashado iyo qalab kale oo badan.

ug6

Jiifku waa raaxo marka la eego nolosha askariga, marka aadan howl ku jirin waa hubaal inaad si fiican u ledi doonto.

Suuliyada waxaa ku yaalla shower ama tuubada biyaha kor ka keenta iyo saxanka qubeyska. Sidoo kale xarunta waxaa ku xiran internet inkastoo uu yahay mid aan xawaare fiican lahayn.

Qolalku waxay ka samesyan yihiin konteenaro bir ah, waase kuwo si fiican loo ranjiyey aadna loo nadiifiyey. Qol walba waxaa yaalla afar furaash iyo sariirahooda iyo hal armaajo oo weyn. Sidoo kale waxaa ku xiran qaboojiye si askartu aysan u dareemin kulaylka saxaraha.

Korontada badankeeda waxaa laga dhaliyaa qoraxda, biyaha badda ee cusbada baddanna waa la safeeyaa kaddib ayaana dib loo isticmaalaa.

Xigasho: New Vision, Uganda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

Idale News Online