Dagaal xoog leh oo xalay ka dhacay Mahadaay.

0
209

Dagaalyahanada shabaab, ayaa xalay dagaal xoogan kusoo qaaday Saldhig ay ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Degmada Mahadaay.

Dagaal socday muddo nus saac ah ayaa dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo ciiidamada Alshabaab ee soo weeraray degmada.

Degmada Mahaday ayaa ah halka ay ugu dambaysa ee ay ciidamada AMISOM ku sugan yihiin marka laga soo tago magaalada Muqdisho, waxana ay la kulmaan ciidamadan dagaalo ku dhufo ka dhaqaaq ah.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa weerar gaadmo ah waxa lagu dilay labo askari oo Soomaali ah kana tirsanaa ciidamada xoogga dalka xilli fiidnimo ah oo ay ku sii jeedeen saldhigga ciidamada ay ku leeyihiin degmada Mahaday.

AMISOM-Afgooye1

Idale News Online.