Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaliyeed ee ku nool waddanka Kenya ka dalbaday in dowlada waddankaasi ay ku garabsiiyaan dadka falalka amni daro kawada gudaha Kenya.
Kadib markii ay sii kordheen dhibatooyinka ciidamada Kenya ay u geysanyaan isbuucyadii u dambeeyey Shacbka Somaliyeed marka uu qarax dhaco uu bartilameedka koowaad noqonayey dadka Somaliyeed ee Kenya u tagey nabad gelyada.
Madaxaweynaha ayaa xusey in shacabka ay nabad galyo heli karaan markii ay iska soo dhex saraan oo ay far muqaan rag amaandarada ka dhex wada oo dowlada waddankaasi u shegaan.
Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale xusay in ay og yihin dhibatooyin ay qabaan shacabka laakiin ay si deg deg ah wax uga qabanayaan ayaga oo kaashanaya madaxda waddankaasi.
Waddanka Kenya marka uu qarax ka dhaco waxaa caado ka noqotay mudooyinkii u dambeeyey dhibaateynta ciidamada waddankaasi si aan ka fiirsi laheyn ay ula beegsanyaan Shacabka somaliyed ee xaafada islii ee magaalada Nairobi.
Idale News Online.