Sarkaal ka tirsan Shabaab oo sheegay in dagaalkooda ay u wareejin doonaan Kenya.

0
181

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalkooda ay u wareejin doonaan dalka Kenya.

Fu’aad Maxamed Khalaf (Shangole) oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa Khamiistii sheegay in dagaalkooda u wareejin doonaan Kenya.

Isagoo la hadlaayay boqolaal qof oo ku sugan Baardheere ayuu sheegay in Kenya ay kula dagaalami doonaan gudaha dalkeeda.

“Dagaalkeenna aan ku jirno waxaan u wareejinaynaa dalka Kenya, haddii ay dilaan gabar Soomaali ah waxaan dilaynaa gabar Kenyan ah,” ayuu yiri Shangole oo codkiisa laga sii daayay Idaacadda Andulus oo ku hadasha afka Shabaab-ka.

Wuxuu ku booriyay muslimiinta Kenya in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jirro dowladda Kenya maadama ay leynayaan dadkooda.

Hadalka Shongle ayaa ku soo beegmaya iyadoo Kenya maalmahan la kulmeysay weeraro xiriir ah oo ka imaanaya kooxo looga shakisan yahay Al-Shabaab.

Kenya ayaa ciidamo u dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-, iyagoona hadda dagaalo kula jira Al-Shabaab, waxaana markii dambe ay ku bireen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Aragtidaada ka soo dhiibo?

fuaad-shongole

Idale News Online, Jilib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here