Nin Wasiir ahaa oo is dal dalay iyo Faah faahin laga helayo Sababta.

0
222

Wasiir ka tirsanaa wasiirada degaanada  dalka Malawi ayaa is dilay kadib markii uu waayay kurisigiisa doorashadii Talaadadii ka dhacay dalka Malawi.

War booliska laga soo xigtay ayaa sheegaya in wasiirka is dilay oo lagu magacaabi jiray Godfrey Kamanya uu wasiir degaan ka ahaa gobolada koofureed ee dalka Malawi waxaana uu isku dhex toogtay gurigiisa oo ku yaala magaalada uu ka tartamayay kadib markii uu ogaaday in asaga la dooran.

Boolisku waxay sheegen in wasiirkaan is dilay ehelkiisa u sheegeen in xabad madaxa iskaga dhuftay wax yar kadib markii uu helay inuu kursigiisa waayay.

Natiijadda doorashadii dalkaasi ka dhacay willi laguma dhawaaqin guddiga dorashaduna waxay sheegeen in qalabkii ay u adeegsanayeen tirinta codadka uu ciladoobay.

MDG : Joyce Banda of Malawi

Idale News Online.