Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Gobolka Galgaduud

0
165

Ceelbuur(INO)- Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in xalay Nin hubaysan Deegaankaasi uu ku dilay Guddoomiyihii Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa Deegaanka Ceelgaras oo hoostagga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Falkaan dilka ah ayaa yimid, kadib markii nin hubaysan oo horay uga tirsanaan jiray ciidamadii Dowladii C/laahi Yuusuf, balse isaga baxay oo goob ganacsi ku lahaa Deegaanka Shabaab ay ka codsadeen inuu la shaqeeyo, balse uu si aad ah uga dhaga adeegay arintaasi.

Ninka falka dilka ah geystay oo haystay Qori Ak-47 ah iyo rasaas badan ayaa xalay ogaaday inay ku soo socdaan ciidamo ka tirsan Shabaab oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Deegaanka Ceelgaras ee Al Shabaab Faarax Cali Raagge.

Ciidamada Shabaabka iyo Guddoomiyaha Deegaanka Ceelgaras, markii ay gaareen hooygii uu deganaa ninka ay doonayeen ayaa mar kaliya waxa ay la kulmeen rasaas, taasi oo keentay xabadihii ugu horeeyay inay ku dhacday Guddoomiyihii Shabaab u qaabilsanaa Deegaanka Ceelgaras Faarax Cali Raagge oo durba meesha ku dhintay.

Ciidamada Shabaabka ayaa xabadeeyay ninka falka dilka ah geystay, balse waa uu iska difaacay waxaana u suuragashay ninkaasi inuu ka baxsaday Deegaanka Ceelgaras.

Cabdi Xasan Maxamed (Biyo Quute), oo ah Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur ayaa sheegay ninkii dilka geystay inuu u baxsaday oo dhanka Degmada Dhuusamareeb uu u baxsaday.

Ugu Dambeyntii, Al Shabaab ayaa deeganada miyiga ah waxa ay ka baadigoobayaan ruuxii falkaasi dilka ah geystay oo la sheegay inuu xalay baxsaday.