Sanjabiilka oo la ogaadey in uu faa’iido u leeyahay cuduro badan oo halis ah

0
724

In sinjibiisha lagu darsado dawada xiiqda waxay fududaysaa in daawadu si fiican u shaqayso oo qofku cudurkaas si fudud uga bogsado.? Sidaa waxa shaaca ka qaaday khubaro u dhashay dalka Maraykanka oo baadhitaan caafimaad ku sameeyey faa?iidooyinka ku jira geedka sinjibiisha.

Khubaradu waxay ogaadeen in haddii la isku daro sinjibiisha iyo daawada xiiqdu inay qofka u saamaxdo inuu helo hawo fiican, si fiicanna u neefsado.

In la isku darsado labadan daawo (sinjiibisha iyo daawada xiiqda) waxay si fudud u daaweeyaan xiiqda. Marka qofku isku daro wuxuu helaa hawo uu ku nefiso, maadaama naqasku ku dhego qofka cudurka xiiqdu hayo. Haddii si fiican loo fahmo arrintan waxay hordhac u noqonaysa in daawo fiican loo helo cudurkan.? Sidaa waxa tidhi Drs. Elizabeth Townes oo ka tirsan Jaamacadda Columbia Univesity oo Maraykanka ku taal.

Cudurka xiiqda amma asmadu waxa uu si toos ah u weeraraa dhuunta hawada bani?aadamka oo afka qalaad lagu la yidhaa Bronchial tubes, kadibna waxa ay u sii gudubtaa sambabada dadka.

Dhakhaatiirtani waxay qaadeen xubin bani?aadam oo qabta cudurka xiiqda, dabadeedna waxay ku shubeen daawada xiiqda iyo sinjibiil la isku daray, waxaanay natiijada u soo baxday noqotay in xubintii xiiqdu haysay si fudud u daawaysantay.

Daraasaddan waxa lagu soo bandhigay shir ay yeesheen ururka American Thoracic Society oo sannadkan ka dhacay magaalada Philadelphia.

Xiiqdu waxay noqotay mid aad iyo aad ugu badan adduunka waqtigan, laakiin waxa soo shaac-baxday in si fudud lagu daawayn karo. 40 kii sanno ee la dhaafay waxa la soo saaray daawooyin, balse waxa la ogaaday haatan sidii daawada si fiican looga shaqaysiin lahaa,? ayey tidhi Drs. Townsend.

Idale News Online