David Karp “Waxbarashii waan ka saaqidey balse maskaxdii baan ka shaqeysiiyey ka dibna noqdey bilyaneer”

0
236

Wiil Maraykan ah oo la yidhaa David Karp oo 26 jir, ay ayaa waqti yar ku noqday bilyaneer, kadib markii uu hindisay mareeg kuwa internetka ah oo shirkado waaweyn raalligeliyey sida shabakadda

Masuuliyiinta ugu sarreeya shirkadda Yahoo ayaa Mr. David kula heshiiyey Sabtidii inay mareegtiisa caanka noqotay ka iibsadaan, taasoo ay booqdaan 100 milyan, sidoo kalena maalintii wax soo dhigaan 90 milyan oo qof, waxaannu ka helaa faa?iido lacageed oo dhan $1.1 bilyan doollar.

Heshiiska wiilkan oo ku nool magaalada New York uu la galay shirkadda Yahoo wuxuu ka dhigaya biyaneer, inkastoo la shaaciyey inuu arrinka ka yara biyo-diidsan yahay, laakiin wuxuu go?aansaday inuu faasaxo mareegtiisa oo uu sannadkii 2007 guriga hooyadii ku sameeyey.

 

Guddiga sare ee maamulka shirkadda Yahoo, ayaa la sheegay inay ansixiyeen Axaddii toddobaadkan iibsiga shabakadda Tumblr, waxana sannadkii hore dakhliga mareegtan galay ahaa $13 milyan oo dollar, halka lacagta u soo xarootayna gaadhay $125 milyan oo dollar.

 

Mareegtan cusub waxay aad u raalligelisay shirkadda Yahoo ee internetka caan ka ah, waxaanay ku hamiyeysaa inay ku iibsato qiimo kasta oo iibkeedu ku gaadho sida ay sheegeen madaxa guddida sare ee shirkadda Marissa Mayer.

 

Shabakadda Tumblr oo ah meel sawirrada, qoraallada iyo muqaallada lagu baahiyo, si fiicanna u shaqaysa, dad badanna ku xidhan yihiin, waxa uu wiilka sameeyey hore uga saaqiday waxbarashada, isla markaana baxay dugsigii uu dhiganayey markuu awoodi kari waayey fahamka duruustii iskuulka, balse waqtigan wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka ugu hantida badan

Sidoo kale, mareegtani waxay la mid tahay barta Facebook ee dhallinyarada iyo waayeelka isticmaala tiknoolajigu aad ugu xidhmeen waayadan dambe.

Saddexdii sanno ee ugu horreysay waxa jiray dad badan oo ku xidhmay mareegta, waxaanan helay hambalyo badan oo dadku igu leeyihiin waxaad tahay wiil aad u qurux badan oo isagoo da?yar dedaal gaadhay, hase ahaatee waqtiyadii ka horraysay wax dhiirigelin ah maan heli jirin,? ayuu yidhi Mr. David oo warraysi siiyey wargyeska Guardian sannadkii 2012.

Idale News Online