Safarkii Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan oo baaqday, Sababtu Maxay Tahay?

0
407

 Anccara(INO)-Warar goor dhow soo gaaray warqabadka idaacadda Mustaqbal ayaa waxa ay sheegayaan in safarkii Madaxweyne Rajab Tayeb Ordogan ku imaan lahaa Magaaladda Muqdisho Subaxnimadda Jicmaha uu dib u dhacay. lama garanayo ilaa hadda sababta keentay dib u dhaca iyo xiliga dambe ee la qorsheeyey booqashadiisa.

basbakan-Recep-tayyip-erdogan-akp

Dib u dhacan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili ay hore dowladda turkey-ga u xaqiijisay in uusan waxaba iska bedeli doonin safarka Madaxweynaha Qarax ka dhacay Hotel ay deganaayeen qaar ka mid Wafdi hor u dhac ah oo ka socday dalka turkey-ga.. wafdigan oo tiraddoodu gaarayso ilaa 70 ruux ayaa la sheegay in ay dhamaan wada badqabaan weerarka ka dib.

Ilo ku dhow madaxtooyadda dalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey dib u dhaca safarka Ordogan iyaga oo sheegay in ay la xiriirto geeridda boqor cabdallah Bin cabdula casiis Dalka Sucuudiga oo xalay saqdii dhaxe geeriyooday taas oo ay ka qayb galayaan madax badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalka turkey-ga

Madaxweynaha Dalka Turkey-ga ayaa la xaqiijiyey in uu u safray dalka Sucuudiga halkaas oo uu kaga qeyb galayo aaska boqor Cabdala Bin Cabdul Casiis.

Ilahan ma sheegin xiliga la qorsheeyey in uu imaan doono madaxweyne Rajib Dayid Ordogan oo diyaar gorowgiisa si weyn loogu Mashquulsanaa Maalamahaan magaaladda Muqdisho.

Idale News Online, Ancara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here