Muqdisho(INO)-waan aad qaybo ka mida Jirkiisa arkaysaan waxa uu ahaa Dhagarqabihii Shalay Naftiisa qaribay ee isku qarxiyay Hoteelka SYL isagoo wata Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, Waxaana Ninkan Magaciisa la yiraahdaa Maxamuud Cismaan Jimcaale “Dhageey”
Maxamuud wuxuu u dhashay Qabiilka Hawiye gaar ahaan Habargidir,Sacad,Bahweyn,waxaana u adeera Milkiilaha Hotel Mubarak Mr Maariyaa.
Maxamud Dhageey hooyadiis waa Hawiye,Habargidir,Sacad ,Reer Jalaf,Reer Xasan waxaana la yiraa Saafi Dibood Diini Xoosh.
Dhager qabe Dhegeey wuxuu ku dhashay Degmadda Bandiiradleey ee gobolka Mudug.Aabahiis waxeey dadka u yaqaanaan Cismaan Dheere,
Mr. Dhageey axa uu ahaa Farsamayaqaan Saacadaha sameeya oo Baar Ubax si wayn looga yaqaano, Waxaana uu Miis Saacadaha lagu sameeyo ku lahaa Agagaarka Masjidka Xareed.
Dhagarqabe Maxamuud Dhageey hooyadiis Saafi waxaa indhaha ka riday argagixisada Al-Shabaab,wuxuuna noqday habaar qabe nasiibdaran maadama kuwii hooyadiis indha tiray hadana ku qanciyeen inuu naftiisa halago,isn qarxiyo.
Maxamuud Dhageey wuxuu ku biiray Maxkamadihii Islaamiga ahaa, laakiin 2006-dii markii laga itaal roonaaday Maleeshiyaadkii Maxkamadaha waxa uu tahriib u galay Yurub, halkaasoo uu ka laabtay 2 Sanno ka hor.
Idale News Online, Muqdisho.