Muqdisho(INO)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu maanta ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.
Puntland waxay shalay si xoogan kaga hortimid hadal Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka sheegay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kaa oo ahaa in dadka degga Gobolada Mudug iyo Galgaduud, ay soo dhisan doonaan Maamul Goboleed ay ku mideysan yihiin.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, oo Khamiistii Warbaahinta ka soo muuqday, ayaa hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha ku sheegay mid soo cusbooneysiinaya khilaafkii Dowladda iyo Puntland.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe uu kulan kula qaato Madaxda Maamulka Puntland, waxaana suurta gal ah in caawa uu ku hoydo Magaaladaasi.
Ujeedada Ra’iisal Wasaaraha ee Magaalada Garoowe, ayaa waxaa lagu sheegay sidii Maamulka Puntland looga dhaadhicin lahaa inuu taageero Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe Somaliya.
Puntland, ayaa waxay ku doodeysaa in Waqooyiga Gobolka Mudug uu qayb ka yahay deegaanada ay ka arrimiso, isla-markaana aynaan aqbali doonin in lagu biiriyo Koonfurta Gobolka Mudug, si uu Maamul Goboleed ula wadaago Gobolka Galgaduud.
Wasiirka Warfaafinta Puntland C/weli Xersi Cabdulle, ayaa saakay sheegay inaanay heshiis cusub la saxiixan doonin Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, iyadoo aan la dhaqangelin heshiiskii ay labada dhinac bishii October ee sanadkii tagey ku kala saxiixdeen Magaalada Garoowe.
Cabdulle oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Somaliya aynaan Maamul Goboleed xitaa u soo dhisi karin Koonfurta Gobolka Mudug iyo Galgaduud, waayo waxa uu ka horimanaya sida uu sheegay Dastuurka.
Cabdulle, ayaa soo xigtay in Dastuurku uu qeexaayo waxaa Maamul Goboleed noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan.
Idale News Online, Muqdisho