Muhaajiriin Soomaali ah oo laga qab qabtay xeebaha dalka Gariiga

0
237

Athina(INO)-Ciidamada badda ee dalka Gariiga, ayaa waxay xabsiga u taxaabeen 170 ruux oo u kala dhashay dalalka Somaliya, Suuriya iyo Falastiin, xilli si sharci daro ah ay kaga tahriibeen xeebaha dalka Masar.

Dadkan, ayaa waxaa la qab qabtay iyagoo si sharci daro ah ku gaaray xeebaha dalka Gariiga, waxaana lagu heystaa inay jebiyeen sharcigii dal ku galka ee dalkaasi.

Muhaajiriintan oo rag iyo dumarba isugu jira, ayaa maalmo ka hor waxay dooni ka raaceen xeebaha Magaalada Alexandria ee dalka Masar, wuxuuna safarkoodu ku wajahnaa dalka Talyaaniga, laakiin cilad ku timid doonidii ay la socdeen awadeed, ay u weecatay dhinaca dalka Gariiga.

50 ka mid ah muhaajiriinta lagu xiray dalka Gariiga, ayaa u dhashay dalka Somaliya, waxayna isugu jiraan wiilal iyo hablo. Dadkaasi waxay dalka Masar ay uga taggeen sidii nolol dhaanta ay u heli lahaayen, middii ay dalkaasi ku heysteen.

Gariiga, ayaa baaritaano marsiinaya dadka faraha badan leh ee la xiray, si loogu xaqiijiyo waxa keenay in si sharci daro ah ay xeebaha dalkaasi ku soo gaaraan.

Tani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo toddobaadkan sii dhammaanaya dalka Masar lagu xiray in ka badan 40 qof oo Soomaali ah, xilli ay doonayen in si sharci daro ah kaga tahriibaan xeebaha dalkaasi.

Dalka Masar, ayaa waxaa ku qul qulaaya Soomaali fara badan oo ka tageysa dalka Suudaan, si xeebaha Masar ay uga amba baxaan dalka Talyaaniga.

Idale News Online, Athina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here