R/Wasaaraha Turkiga, Erdogan oo u digay ganacsatada hay’ada (TÜSİAD) iyo Kooxaha Bulshada Rayidka & Saxaafada ee ku howlan shirqoolka xukuumadiisa

0
178

Iyadoo xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Erdogan ay soo food saartey fadeexad musuqmaasuq oo balaaran taasoo ay ku lug yeesheen afar ka mid ah wasiirada xukuumadiisa, taliyeyaal ciidan, iyo 12 hay’adoood oo kale kuwaasoo la sheegay in ay lunsadeen hanti qaran ayaa waxaa arrintaasi ka faa’ideysatey xisbiyada mucaaradka iyo  kooxaha bulshada rayidka oo heerka musuqmaasuqa dalkaasi gaarsiiyey in xisbiga dalkaasi xukumada ee AK Party loogu baaqo uu xilka baneeyo.

Mr Erdogan oo ka hadlaayey shir ay lahaayeen madaxda sare ee xisbigiisa AK Party ka dib markii seddex ka mid ah afartii wasiir ee fadeexada musuqmaasuq lagu eedeeyey ay is casileen ayaa u digay kooxo uu ku sheegay cadowga gudaha una adeegaayaa danaha shisheeye in ay doonaayaan inay abuuraan qalqal siyaasadeed iyo in xisbiga AK Party iyo xukuumadiisa ay meesha ka baxaan.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in xukuumadiisa sida midabka caanaha oo kale ay nadiif ka tahay musuqmaasuqa & heerka la gaarsiiyey   laakiin waxaa jira ayuu yiri ra’iisul wasaare Erdogaan  in kooxaha wada baaritaanka masuqmaasuqa ay yihiin kooxo diidan xisbiga talada haaya ee AK Party  isla markaasna u adeegaaya dalal shisheeye oo aan doonayn horumarka dalka Turkiga gaarey sanadihii ugu dambeeyey.

Waxuuna Erdogan si adag u yiri kooxahaas kama soo horjeedaan xisbiga talada dalka Turkiga haaya ee AK party ee waxa ay ka soo horjeedaan waa 76_da milyan ee dadka Turkiga  iyo horumarka dalku gaarey. Erdgan ayaa weydiisay dadka Turkiga in ay u soo  duceeyaan xisbigiisa waxuuna yiri “Waxa hadda socda ma ahan corruption Investigation ama baaris musuqmaasuq ee waa mucaamarada iyo shirqool cad”

Erdogan ayaa eedeyn kulul u jeediyey xisbiga Jamhuuriyada dakaasi ee CHP (Republican Party), Kooxaha burcada ah (gangs), hay’ado ganacsi oo ay ugu horeyso TUSAID (Turkish Industrialists and Businessmen’s Association) iyo kooxaha saxaafada (Media Groups) waxuuna dhamaantood ku eedeeyey in ay khiyaamayaan dalkooda isla markaasna ay xukuumadiisa ka faafinayaan eedaymo aan jirin, waxaana ra’iisul wasaare Erdogan ku dhaartey inuu la dagaalamaayo kooxahaas iyo kuwa kale ee ka shaqeynaaya meel dhaca dowladiisa.

Markii ay soo ifbaxdey fadeexada musuqmaasuqa ee lagu eedeyey xukuumada Ra’iisul Wasaare Erdogan, wasiirada arrimaha gudaha, dhaqaalaha iyo deeganka dalka Turkiga ayaa shaaciyay in ay is-casileen, ka dib masuq maasuq xoogan oo lagu eedeeyay wiilasha ay dhaleen. Wasiiradan ayaa warqadaha is casilada u gudbiyay ra’iisal wasaare Erdogan.

Arrinta ku aadan masuq maasuqa ay geysteen wiilashada ay dhaleen Wasiirada oo kaliya ku eka, ee waxaa jiraa ilaa 22 xubnood oo kaliya, oo marka wiilashadoodu lagu daro tiradooda ka dhigeysa 24 xubnood, oo loo heystaa in ay masuq maasuqa wada geysteen.

Madaxa Bankiga Halk Banka ee dalka Turkiga, ayaa waxaa sidoo lala xiriirinayaa lunsashada hanti Qaran, oo loogu tala galay in lagu horumariyo miyiga fog ee dalka Turkiga.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu balanqaaday in Xukuumadiisu ay baaritaano adag ku samayn doonto, hantida la sheegay in la lunsaday. laakiin uusan u dulqaadan doonin in wax aan jirin laga sheego xukuumadiisa, gacan adagna ku qaban doono kooxaha burcadda ah, hay’adaha gacansiga sida TUSAID ee kooxaha Islaamiyiinta Fettul Gulan iyo Saxaafada ka howlan in xisbiga AK party meesha ka baxo.

erdogan

Idale News Online, Ankara. Turkey