Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dhibaatada joogtada ah ee ciidamada dareeka dowlada labisan u geysanaayaan dadka deegaanka iyo beerahooda aan loo sii dul qaadan doonin. Waxuu digniin u diray kooxaha xoogga caadeystay isla markaasna duulaanka ku ah beeraha iyo dhulka gobolka Shabeelaha Hoose in ay Soomaalida ilaaliyaan oo ixtiraan ku joogaan gobolka iyagoo xaquuqda maamul iyo tan deegaanka ilaalinaaya.
Gudoomiyaha gobolka Baay ayaa dowlada ugu baaqey in si deg deg ah loo joojiyo lagana hadlo dhibta waxa keeney iyo meesha ka ay ka socoto dowladana ay joojiso madax u salaaxa ay ku wado dadka deegaanka iyo iney xoog wax ku maquuniyo.
hadalkan ayaa imaanaaya xilli dhawaan wafdi uu hogaamiyo wasiirka wasaarada difaaca DF Soomaali C/xkiim Xaaji Fiqi booqasho ku tagey gobolka si uu waan waan u dhex dhigo maleeshiyadkii ku diriray gobolka Sh/Hoose, warhaahinta dowladuna sheegtay in ay kala qaadeylabadii dhinac ee ku dagaalamey gobolka
Xasan Bash. Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Koonfur Galbeed, Somalia