RW Somaalia Oo si Hoose u aqbaley qodobadii ay Puntland hordhigtey

0
187

RW ayaa isaga OO aan wax wadatashi la suubinin madaxda kale Ee Dowlada  ayaa si Hoose u aqbalay dhamaan qodobadii ay Maamulka Puntland hordhigtey; waxayna qodobada kala yihiin:

1-Waa in Dowlada Federaalka ay qoraal saxiixan ku cadaysaa waxa ay ula jeedo Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

2-Puntland waa inay heshaa Saamiga ay ku leedahay Deeqaha lagu helo magaca umada Soomaaliyeed,oo Dulmi wayni uu ka jiro.

3-Dowlada Federaalka waa inay Xaq dhowrtaa illaalisana Sagaalka Gobol ee ku bahoobay PUNTLAND isla markaana aysan jirin maamulo kale OO ka dhisan sagaalka gobol ay PUNTLAND sheegatey.

4-Federaalka waa inuu ogolaada in Puntland ay u Madax bannaan tahay Baarista Shidaalkeeda,sida uu Dastuurku qorayo.

5-Dowlada Federaalka waa inay dib u aqoonsataa Shahaadada Ardayda ka baxa Dugsiyada sare ee Puntland,si ay Jaamacado ugu aadan,xilli Federaalka ay joojiyeen Shahaadada Ardayda Puntland ay ku aadi jireen dalka Suudan.

6-Federaalka waa inay dib u saxaan wax ka badalkii ay ku sameeyen Dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed,oo lagu sameeyay faraglin qaawan.

7-Dowlada Puntland waa inay talo iyo Miisaan ku yeelataa geedi socodka loogu jiro hirgalinta Federaalka,maadama ay tahay Hooyada Federaalka.

8-Dowlada Puntland waa inay goob joob ka noqotaa wada hadal dhexmara Federaalka iyo Soomaaliland,maadama Soomaaliland ay sheegato Dhul ka tirsan Puntland,haddii kale wada hadalku uu noqonayo mid Beeleed.

9-Dowlada Federaalka waa inay dhowrtaa Madaxbannaanida iyo Jiritaanka Puntland,ayna faragalinta ka daysaa.

10-Dowlada Puntland waa inay Saami ku yeelataa tababarada Ciidamada loogu diro Dibada,oo ah deeq lagu helo magaca umada Soomaaliyeed.

RW

Idale News Online, Garowe