Dowlada Mareykanka oo ku dhawaaqay in uu xirayo Xabsiga guantanamo bay

0
222

Saraakiil u hadashay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyay inay doonayaan in laxiro xabsiga guwaantanama ee uu Mareykanka ku xiro dadka uu ku eedeynayo inay katirsanyihiin ururka Al-qaeda.

Eric Schultz oo katirsan golaha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo xiri lahaa Xabsiga Guwaantanaama, sdioo kale Eric Schultz ayaa sheegay in golaha Kongareeska Mareykanka ay kabiyo diideen in maxaabiista ku jirta xabigaas loo soo wareejiyo dalka Mareykanka.

Sidoo kale golaha Aqalka Cad ayaa hoosta ka xariiqay in maxaabiista lagu hayo xabsiga guwaantanaama ee aan dambiga lagu haynin lasii deyn doono oo laguna celin doono halkii laga soo qabtay.

Xabsigaa guantanamo bay  ayaa waxaa uu yahay Xabsi si aad ah loogu dhibaateeyo Dadka Muslimiinta ah Iyadoo Intii uu Furnaa lagu xiray Dad badan oo Soomaali ku jirto kuwaa oo lala xiriirinayo Argagixisanimo Dad lagu xiray oo ka soo baxayna waxaa ay sheegeen in Xabsiga dhibka Mareykanku Maxaabiista ugu Geesto uu yahay wax aan loo dulqaada karin Madaxweyne Obama ayaana Markii Xilka loo doortay waxaa uu sheegay in uu xirayo Xabsigaas.

American-Flag

Idale News Online, Washinton